Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka digey Khatarta macluusha ee wadamada colaadaha ka socdaan!!!.

Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay inay jirto khatar macluul iyo cunno la’aan baahsan oo ka jirta afar dal oo ay saameeyeen iskahorimaadyo Congo,Yemen,waqooyi bari Nigeria iyo Koonfurta Suudaan,nolosha malaayiin qofna ay qatar ku jirto.

Qoraal uu u diray xoghayaha guud Qaramada Midoobay Galaha ammaanka ayuu ku sheegay inay jirto qater badan oo ku aadan nolosha boqolaal qoys oo wadamadooda ay ka socdaan colaado sokeeye iyo dirir u dhexaysa kooxaha siyaasada isku haaya.

Madaxa UN-ka ayaa sheegay inay jiraan dalal kale oo ay colaado saameeyeen oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Burkina Faso iyo Afghanistan oo iyaguna u baahan gargaar bini aadanimo.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo qiray inay soo hagaagayso xaalada wadama qaarkood ayaa hadana muujiyay cabsida laga qabo dhibaatooyin loo gaysto dadka rayidka ah.

“Xaaladda argagaxa leh wadamo waa ku kala duwan yihiin dadka rayidka ah ayaa la dilaa, la dhaawacaa oo la barakiciyaa,hab nololeedka ayaa burburay iyo helitaanka cuntada oo hakad gashay, iyada oo ay sii kordheyso jilicsanaanta,” ayuu yiri Guterres.

“Waxaa iminka ka sii daraya masiibooyinka dabiiciga ah, dhaqaalo xumada iyo dhibaatooyinka caafimaad ee bulshada, kuwaas oo dhamaantood ay kusii kordhayaan Cudurka faafa ee COVID-19.” Ayuu yiri.

Madaxa gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa wareysi uu siiyay AP ku sheegay in dhaqaalaha ku dhacay musiibada ay ka mid yihiin xirnaanshaha, xiritaanka xuduudaha iyo xaddidaadda dhaqdhaqaaqa ayaa saameyn weyn ku yeeshay sugnaanta cuntada iyo wax soo saarka beeraha.

Lowcock ayaa yiri “Qof walba aad ayuu ugu mashquulsan yahay COVID iyo fayraska,”, laakiin ma ahan fayraska abuuraya inta badan gumaadka. Waa waxyaabo kale, oo waxaan u baahannahay inaan xoogga saarno waxyaabaha runtii sababi doona khasaaraha ugu weyn ee nolosha.

Dhanka kale Dagaalada waxaa weheliyay weeraro baahsan oo lagu qaaday dhul beereed iyo dhul daaqsimeed iyo dhaca xoolaha iyo cuntada, taas oo ka dhigeysa in ka badan 1.4 milyan oo qof oo ku nool aagaasi ay wajahayaan dhibaato ama heerar ka xun oo cunto la’aan daran, intaas waxaa sii dheer, ugu yaraan 350,000 oo carruur ah ayaa la il daran nafaqo-xumo daran ama dhexdhexaad ah.