Sharci ma jiree Shillinkaaga & Shantaada, Miyaa?!!!

1. Haddii Madaxweynihii, Madaxweyne kale ka dhax hadlayo. ( F.S:1aad)
2. Haddii Ra’isulwasaarahii Duul aan la aqoon ey kiciyaan ama ey damiyaan markey doonaan .( F.S:2aad)
3. Haddii wasiiradii ey Macaac Macaac noqdeen.(F.S: 3aad)
4. Haddii Baarlamaankii aan Dad joogin.( F.S: 4aad)
5. Haddii 5tii Maamul Gobaleed ey Shililqoomayaan.( F.S: 5aad)
6. Haddii Asgarii uu Calooshiisa u shaqeeysto.(F.S: 6aad)
7. Haddii Diaspora Kaba ka waaweyn iyo Surwaal ku gaaban ey gashadeen. (F.S:7aad)
8. Haddii War baahintii Kukukuu kuu ey noqotay.( F.S: 8aad)
9. Haddii Haweeynkii waddo khaldan lagu hagay. (F.S:9aad)
10. Haddii Aqoon yahankii Waji qabiil qaatay.( F.S:10aad)
11. Haddii Mucaaradkii uuna Mabda’ ku midoobin, uuna noqday danleey faraha isku fiiq fiiqd ah. (F.S: 11aad)
12. Haddii Beeshii Caalamku lo’ noo soo dirtay. (F.S:12aad)
Cadaaladii
13. Cadaaladiina ey noqotay, tan ugu liidato. ( F.S:13aad)
Haddii Gudoomiyihii Maxkamadu uuna Tintiisa ku kalsooneeyn, Xeer ilaaliyihii uuna Aqoontiisa ku kalsooneeyn, Qaaligii uuna Mushaarkiisaku kalsooneeyn, Qareenkiina uuna xukunka ku kalsooneeyn.
14. Anniguna sida wax u socdaan aanan ku kalsooneeyn. ( F.S: 14aad)
Adiguna ???.
Aragtidaada xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Allow na mooti.
Qore: Yahya Amir