Madaxweynihii ugu horeeyey Hirshabeele oo cimaamadii ka dhacday oo Ku hadlay waxaan la maqli karin…

Maamul dawladeed walba ama heer qaran ama heer degaan, badanaa waxay qiimeeyaan madaxweynahooda ugu horeeyey, tusaale Maraykanka waxaa lacagta ugu sawiran George Washington.
Kani waa madaxweynihii ugu horeeyey Hirshabeele, waxaan daawaday barnaamij dood ah uu si xishod la’aan ugu doodayo, in beeshiisa keliya ay xaq u leedahay in ay madaxweyne ka noqoto Hirshabeele.

Taariikhda ma la hayaa madaxweyne maamul qaabkaas u hadlay?

Hadii aan ka shakin lahaa in qofka sidan u hadlayaa uu yahay Cosoble, waxaan hubsaday inuu isaga yahay durbadiiba marka uu soo hadal qaaday Puntland oo aan moowduucaba ku jiran.

Cosoble oo hadlay oo aan Puntland hadalkiisa kusoo darin, malaha waa nin tukadoo faataxadii ka tagay tiirarkeeda ma dhama.

Caadadan anigoo waagii hore kula yaabi jiray Cosoble, ayaan hubsaday in arintaan aysan keligiis ku gooni ahayn.

Hadii baarlamaanka Puntland casarkii go’aan danihiisa gaarka ka gaaro, tusaale arin ku saabsan dabargoynta gudniinka Fircooniga ma in baarlamaanka Hirshabeele maqribkii ka jawaabaa?.

Markaan arkay Goodax Barre oo waxqabadka ugu wayn uu sheegan karo tahay inuu boqolaal kun ardada Puntland la dagaalsan yahay.

Markaan arkay gudoomiye Jayte oo hadii Baladweyne badeecad laga waayo ku goodiyo in uu Puntland kabsar caleenta ka jaran doono.

Meelwaba sibaa siyaasada lagu soo galaa:
Somaliland siyaasada waxaa lagu soo galaa icriraaf raadin.
Puntland arimaha dhaqaalahoo lagu nuuxnuuxsado.
Galmudug amnigoo diirada saaro.
Hiirshabeela Puntland oo la maago.

Ismail Adan Dirie

Ninba dhan u badi.
Xaajada farshaxan waynaa