Kenya oo digniin adag u dirtay cid kasta oo taageero u fidisa ama caawisa kooxda Al-Shabaab.

Wajeer-Kenya:-Dowladda Kenya ayaa digniin adag u dirtay cid kasta oo taageero u fidisa ama caawisa kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Isku-duwaha laamaha ammaanka ee Gobolka waqooyi bari Kenya, Nicodemus Ndalana ayaa sheegay in Dowladdiisu ay cadow la mid ah Al-Shabaab u aragto Qof kasta oo la shaqeeya Argagixisada, sidaas awgeedna ay isku si ula dhaqmayaan,tallaaba adagna ay ka qaadi doonaan.

Dhanka kale, Nicodemus Ndalana ayaa u mahadceliyay shacabka laamaha ammaanka u soo gudbiyay xog ku saabsan waxyaabaha ay ka shakiyaan, taas oo fududeysay in laga hortago weerarro qorsheysnaa oo ay maleegayeen Al-Shabaab.