Ciidanka dawladda oo qabtay rag Qarax ku aasayey wadada Sabiid ee gobolka Shabeelaha hoose.

Afgooye:- Hawlgal gaar ah oo maanta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha hoose, ayey ciidamadu ku qabteen 2-nin oo ka tirsan maleeshiyada xagjirka ah ee Al-shabaab, xilli ay miino ku aasayeen wadada.

Labada ruux ee la qabtay ayaa waxaa ku socda baaris ku aadan fal dambiyeedka loo soo qabtay, taas oo ciidanka ka caawinaysa inay ogaadaan macluumaadka dhagarta kooxdu ay maleegayso.

Saraakiisha xoogga dalka ee aagaasi ku sugan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay sii socon doonaan hawlgallada lagu beegsanayo maleeshiyada Al-shabaab, si meesha looga saaro ficilada guracan ee ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaataynayaan.

Tan iyo markii ciidanka dawladdu la wareegay deegaanada Sabiid iyo caanoole horraantii sanadkii 2019-ka waxaa meesha ka baxay qaraxyadii ay maleeshiyadu ku soo farsamayn jirtay gobolka Shabeelaha hoose ee gaadiidka lagu soo galin jiray Muqdisho.