Booliska Kenya oo baaraya dilkii loo gaystay Qareen Kirimi Mbogo.

Kenya:-Saraakiisha Booliska ismaamulka Meru ee Dalka Kenya ayaa billaabay baaritaanno ku saabsan ciddii ka dambeysay dilka Qareen caan ahaa oo shalay ay toogasho ku dileen Laba Nin oo watay Mooto.

Qareenka oo lagu Magacaabi jiray Kirimi Mbogo, ayaa inta badan Maxkamadaha Dalkaasi geyn jiray dacwado uu kaga soo horjeedo xadgudubyada ay gaystaan hay’adaha Dowladda Kenya.

Howlaha baarista ah ee ay Wadaan laamaha ammaanka Dalka Kenya ayaa yimid markii Dadka kasoo jeedo Meru ay dhigeen dibed-baxyo lagu dalbanayo in la sameeyo baaritaanno ku saabsan ciddii ka dambeysay dilka Qareenka.