Soomaaliya ma aha dal si rasmi ah u madaxbanaan.


Qaramadda Midoowe iyo Beesha Caalamka ayaa dowladnimadda Soomaaliya dusha sare ka maamula. Madaxda hay’addaha Qaramada Midoowe iyo kuwa ka socda safaaradaha wadamada Galbeedka ee Xalane ku sugan marka aad la sheekeesatid si aan qarsoodi lahayn ayey kugu sheegayaan in ay Soomaaliya ka caawinayaan dowlad dhisaddeeda, waxey ku leeyihiin Soomaaliya waxey ku jirtaa marxalad dowlad dhisid ( State building process) weli kama jirto dowlad rasmi ah.

Madaxweyne walba oo yimaada “task” howl baa loo igmadaa oo Qaramada Midoowe iyo Beesha Caalamka ay dhaqaalle ku bixiyaan si Soomaaliya dowlad cagaheeda ku taagan u hesho.

Nidaamka Federaalka ayaa kamid ah waxyaabaha dhaqaalaha xooggan ay ku bixiyaan. Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka waxaa laga caawiyaa tababarka shaqaalaha, qalabeynta xafiisyada, dhismaha wasaaradaha, sameynta sharuucda wasaaradaha iyo arimo kale.

Wasaaradaha Dowladda Federaalka awood uma laha xitaa hal sharci bilow ilaa dhamaad in keligood sameeyaan. Aqoontiina ma jirto, dhaqaalaha ku baxayana lama hayi. Waxa sharci aannu maqalno ee Baarlamanka Soomaaliya ansixiyo waxaa dhaqaalle ku bixiya hay’addaha Qaramada Midoowe ama NGO Internation oo wadamada Galbeedka ka socda.

Tusaale ahaan Wasaarada Waxbarasha Soomaaliya waxaa loo maalgeliyey ” Education Act, Education Policy, National Curruclum ” Sharuucda Waxbarashada, Sharuucda Siyaasada Waxbarashada. Xitaa Manhajka Dowladda Federaalka ku faanayso waxaa maalgeliyey EU. Xitaa buuggaagta Manhajka Soomaaliya ardaydu wax ku barato waxaa maalgeliya EU waxeyna dhaqaalaha soo mariyaan hay’ad Ingariis ah oo la yiraahdo African Education Trust. Hay’addan waxey kaloo Wasaarada Waxbarashada Federaalka mida Puntland iyo Somaliland ka caawisaa dhaqaalaha ku baxa imtixaanada dugsiyadda sare oo la’aanteeda imtixaan dugsi sare in Soomaaliya ardaydu u fariisato suurtagal noqon karin 8 sano ee la soo dhaafey iyo ka hor oo ay caawin jireen Deladaha Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaarad walba oo ka tirsan Dowladda Federaalka waxaa taakuleysa hay’ad ka socota Qaramada Midoowe ama NGO Internation ah. Xitaa hal siminaar ma qabsan karaan wasaaraha federaalka ee Soomaaliya in sharuuc dhistaan oo wasaarad qalabeystaan warkeeda daa.

Dad baa waxey leeyihiin maxey Beesha Caalamka u faragelinaysaa siyaasadda Soomaaliya. Dadka sidaas u hadlayo waa dad aan xogogaal u ahayn dowladnimadda Soomaaliya iyo marxalada ay mareyso.

Waana qaladka ugu weyn oo ay galeen Formaajo iyo Khayre. Dal dusha laga maamulo oo ciidanka amniga madaxtooyada suga mushoorkooda Qaramada Midoowe bixiso ayey waxey u qaateen in iyagu dhab u xukumaan. Howlihii loo igmadey ee dhaqaalaha lagu bixinayey howlo ka duwan ayey galeen.

Tusaale ahaan waxyaabaha Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoowe sida xoogga leh u taageerto ayaa kamid ah nidaamka Federaal. Formaajo iyo Khayre waxey isku dayeen in ay burburiyaan nidaamkaas ama ugu yaraan daciifiyaan. Ugu danbeyntii waxaa guulleystey oo taladooda la qaatey James Swan, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Axmed Madoowe oo Dowladda Federaalka diidey in ay Madaxweynaha Jubbada u aqoonsato oo weliba cunaqabateen dhinaca hawada saartey. Taageerayaasha Dowladda oran jireen ha la soo xiro ayaa maanta wadooyinka Muqdisho loo xirey oo si nabad ah u dhexmarayaa asaga oo ciidamaddiisa gaarka ah wata. Waxaana hubaa in dhawaan la soo qaadi doono ciidamadii Gedo Formaajo iyo Khayre u direen sida Axmed Madoow sharuuda ugu dhigey la kulanka Formaajo.

Siyaasadda Soomaaliya faham bey u baahan tahay ee fudeed iyo caadifad uma baahna.

Ilyas Mohamud Hussein