Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS oo ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarasho ee Dalka

Muqdisho:-Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre,ayaa manta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka.

Siihayaha Wasiirka oo manta ka qeybgalay Barnaamijka kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka,ayaa sheegay in  sameynta hal manhaj oo ku baxa luqadda afka Soomaaliga ay tahay in ardayga uu ku barbaaaro dhaqankiisa iyo aqoon guud oo ku qoran  Soomaali.

Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha badan ee ka jira Dalka

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya ayaa sheegay in  ay socdaan dadaallo ku aadan Sameynta siyaasad guud oo ku wajahan horumarinta waxbarashada Dalka