Madxweyne Deni Deni iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya maxay isku sheegeen?.

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Mamaulka Puntland oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaaay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Deni ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Golaha Wasiirada ee uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka mid ah, Siihayaha Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada, wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda DFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Xubno kale.

Dhanka kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa Warbaahinta u sharaxay waxyaabaha ugumuhiimsanaa kulanka oo ay ka wad hadleen Madaxweyne Deni iyo Golaha Wasiirada.