Gaal dil gartiisana sii. Qormadii A. Kabayare

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mararka qaarkood waxaa lagu tilmaamaa nin aan aragti fog lahayn, lkn anigu taas waan beeninayaa oo masahlana ninka raba inuu hal dhagax toban shimbirood kudilo.

Maalmahan dambe waxaa soo kordhaysa cabashada Beesha Hawiye ee ah inuu bannaan yahay Kursigi iyagu awood qeybsi ahaan ay Dowladda federaalka ugu lahaayeen, isla markaana ay socdaan wada hadallo looga tashanayo masiirka Dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, sidaas darteed xilligaan ay talada Dalka marti kayihiin.

Haddaba yaa kadambeeyay in kursigaanu bannaanaado? Xil kaqaadistii sharci darrada ahayd ee lagu sameeyay R/wasaare Xassan Cali Kheyrre waxaa si weyn uga qeyb qaatay Beesha Hawiye ee maanta cabaneysa gaar ahaan Xildhibaaannada kumatala Dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor-qoor) waxaana lahubaa in Hawiye kale iska daaye Xildhibaannada Beesha Murusade ugu yaraan afar kamid ah ay kaqeyb qaateen tuuristii Kheyre, halka mid shannaad-na looga shakisantahay inuu qeyb ka ahaa. Halkaas waxaad ka ogaan kartaa in ugu yaraan 95% Xildhibaannada Hawiye ay kursiga maanta buuxintiisa labaryayo ay banneeyeen.

Haddaba Maxaa dhacay banneeynti Kursiga kaddib? Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah shakhsiga kaliya ee awoodda u leh inuu kursigaan soo buuxiyo ayaa dheyelay siyaasad cajiib ah taas oo ah inuu hal dhagax kudilo toban shimbirood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Qoor-qoor oo ugu yaraan hoosaasin uga qeyb qaatay tuuristii Kheyrre wuxuu u ballan qaaday inuu Kursiga u magacaabi doono shakhsi uu isagu wato, wuxuuna kadalbaday inuu usoo gudbiyo ilaa shan Musharrax oo uu mid kala baxo, intaas kaliyana uguma simine waxaa shuruud kale u ahayd Madaxweyne Farmaajo in Qoor-qoor uu doc wareemo ama kala daadiyo shanta Maamul-gobaleed oo markaas u muuqday kuwa midoobaya.

Madaxweyne Qoor-qoor wuu kasoo baxay dhamaan shuruudihii lagu xiray, waxaa kaloo uu kudadaalay inuu hoos u dhigo qeylada Beesha Habar-gidir isagoo u sheegay inuu ugu maqanyahay R/wasaare, lkn nasiib darro Madaxweyne Farmaajo oo raba inuu dhagixiisa weli usii adeegsado shimbiraha soo haray, ayaa Qoor-qoor kuyiri khadka kujir oo ha iga deg-degin, wuxuuna heshiis kale lagalay Madasha xisbiyada oo ay hoggaamiyaan Madaxweyne-yaashii hore isagoo kadalbaday iney buuqa joojiyaan una keenaan saddex Musharrax oo u taagan Xilka R/wasaaraha si loo soo dhiso Dowlad wadaag ah. Madashu buuqi faraha badnaa wey joojisay waxayna taageertay natiijadii kasoo baxday shirkii Dhuusamarreeb3 si ay Madaxweynaha ugu caddeeyaan iney raalli kayihiin heshiis awood qeybsi oo dhex-mara iyaga iyo Madaxweynaha, sidoo kale waxay soo gudbiyeen saddexdoodi musharrax, lkn Madaxweyne Farmaajo oo weli dhagaxiisi ka faa’iideysanaya ayaa kuyiri khadka kujira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale lashiray Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare kuna yiri ii keen labo Musharrax oo beeshaada ah una taagan xilka R/wasaaraha, adigana waxaan kusiinayaa xoogaa lacag kaash ah Beeshaadana waxaan siinayaa R/wasaraaha, lkn bishardi waa inaad katanaasushaa Musharrax-nimada Hirshabeelle aadna kudhawaaqdaa in doorashadu dhaceyso weliba aad igala shaqeyso sidi uu kusoo bixi lahaa musharaxa aan anigu wato oo aan ahayn mid kasoo jeeda Beeshaada.

Madaxweyne Waare Beeshiisa ayuu lashiray kana dalbaday iney katanaasulaan Xilka Madaxweynaha Hirshabeelle Maaddaama uu u hayo R/wasaare aysan weligood noqon, halkaas ayeyna maanta kuqabbirantahay Beesha Xawaadle marka laga reebo Sanbaloolshe oo ah shakhsi sifiican u yaqaanna Farmaajo ayna adag tahay in laga iibiyo waxyaabo dhalanteed ah.

Beesha Murusade ayaa Madaxweynuhu ugu beer qaboojiyay ineysan jirin Hawiye uu kudoorsanayo, sidaas darteed ay iska hilmaamaan wixi kudhacay Xassan Cali Kheyrre, si dhowna isha ugu hayaan waxa socda oo aysanna kudhex milmin Hawiyaha kale.

Haddaba afarti beel ee Hawiye ugu miisaanka cuslaa marka sidaas loo kala gaday maxaa lafilan karaa? Aniga saadaasheyda labo mid ayaa lafilan karaan. Waa tan koowaade in Madaxweyne Farmaajo uu wakhtiga dilo si uusan uba magacaabin R/wasaare, kursigana uu kusii fadhiyo kusime Guuleed, taas oo Madaxweynaha kayreyn karta buuq kadhasha ballamada badan ee uu lagalay Beelaha maaddaama uusan wada fulin karin.

Tan labaadna waxay noqon kartaa inuu R/wasaare u magacaabo cid uu isagu wato, waase marka uu meel iska dhigo arrimaha doorashoiyinka oo dhamaan laga heshiiyo qodobbada dooddu kataagantahay, aysanna jirin hal irid oo siyaasaddiisa laga duri karo maaddaama Dalku u jiheystay doorasho oo kursiga R/wasaaruhu qiima beelay.

Abdirizak Mohamed Kabayare