Deni iyo Madoobe oo Xilka ugala Wareegeen Farmaajo Xamar Dhexdeeda!


Farmaajo & Mursal waxay Xilka ka Qaadeen Xasan C. Kheyrre halka Deni iyo Madoobe Xilka ugala Wareegeen Farmaajo Xamar Dhexdeeda!

Waa lala socdaa in toddobo daqiiqo gudahood la yiri waxaa codka kalsoonida loo qaaday oo waayey Xasan Cali Kheyree! Inkastoon ilaa hadda la soo magacaabin reysul wasaare haddana waxaa jira dad ku doodaya inaan Xasan Cali Kheyrre dhicin oo weli yahay reysulwasaaraha marba haddii ku-xigeenkiisii iyo xukuumaddiisii sidoodii u jiraan!

Waxaa muuqata in garoonka Aadan-cadde iyo Xamarba ay xukaam ka yihiin Axmed-madoobe iyo Deni! Waxaa cajaa’ib ah in labadaas hogaamiye meel kastooy tagaan shidaan shumaca shacabka oo ummaddu isku soo baxdo! Waxaa hadda garoonka Aadan-cadde labada hogaamiyey ku soo dhoweeyey siyaasiyiin badan. Waxay Xamar ku qaabileen qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore. Waxay la kulmeen in badan oo ka mid ah xubnaha labada aqal!

Horay baa labada hogaamiyey u shideen Dhuusomarree 1 & 2. Markay ka maqnaadeen Dhuusomarreeb 3 waxay magaaladu u ekaatay meel tacsi taal xitaa iyadoo madaxweyne Farmaajo joogo!

Saasoo kale, Xamar oo in muddo ah jidgooyooyin yaalaan oon siyaasiyiintu isu gelin baa imaatinkii labadaas hogaamiyey ka dhigtay Muqdisho meel shidan oo shirar kala duwan ka socdaan! Waana wax fiican bal in dadka Soomaaliyeed mar arkaan siyaasiyiintii oo si xor ah isu booqanaysa, fikirkoodana dhiibanaya! Soow lama daawan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaji Muuse Suudi oo Deni wax ka weydiinaya arrimaha shirkii Dhuusomareeb iyo xilka reysulwasaaraha?

Siyaasiga caanka ah, C/Raxmaan C/Shakuur baa lahaa markuu garoonka Aadan-cadde ka soo degay wuxuu markii ugu horreysay galay qeybta VIP oo kula kulmay siyaasiyiin farobadan. Wuxuu kaloo la yaabay askartii waardiyayaasha ahayd oo salaan u saaraya! Mar dambuu ogaaday in ciidanka saas u sahlay ahaayeen kuwii Jubbaland iyo Puntland!

Sida professor Xasan sheekh Cali Nuur cabbiray marba haddii Xamar soo ceshatay furfurnaantii siyaasadda waa in halkaas laga sii ambo-qaado dib-u-heshiisiintii! Inkastooy Farmaajo heysato oraahdii ahayd:

Markaan naf hayey, talo ma hayn; haddoon talo hayana, naf ma hayo! Si kastoo Farmaajo nabaddoon iskaga dhigo ma haysto waqti uu ku saxo khaladkiisii laakiin uga dari meyso hadduu cagta saaro dhabbadii la rabay!

Si kastaba ha ahaatee waa in hadda magaalo kasta oo leyrka siyaasadeed ka dansan yahay la geeyo Deni iyo Madoobe sey u shidaan! Suurtogal ma tahay haddii 4.5 wax lagu dhisay in madaxweynaha Puntland laga sii dhigo “ku-simaha” madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya bilaha ka harsan doorashada marba haddii Mahdi Guuleed isba yahay “ku-sime” reysulwasaare?!

Xigasho: Gaarhaye