Ceebeey Tacaal. Siyaasadda Somalida waxaa hadda Shuunka looga xiirayaa..!!!=Nasashada Jimcaha.Q-216=

Wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe.
1-Ciyaalka xaafadda oo Darbi ku sheekeysanayo ayaa waxaa soo ag maray Nin Wadaad ah. Waxa ey ku yiraahdeen, wadaadoow Sharad ayaan dhiganay ee Masaladaan nooga Jawaab. Waxa ey ku yiraahdeen Xubinta Taranka Haweenka in la dhadhamiyo ma banana tahay?. waxa uu ku yiri: Dhanaankeeda maxaad ku falee.
Mid ayaa yiri: Wadaadku ma garanayo jawaabta. kii kale ayaa yiri: wuu garanayaa weliba si baraaktiko iyo waaya aragnimadiisa ah ayuu noogu jawaabay.
( Siyaasi ayaa la weydiiyay Xoolaha shacbka oo la dhaco ma lagu raaxeeystaa? Waxa uu yiri: maxaad ku falee, Baraka la’aanteeda, Bilcaanta oo kaa bukato, Barbaarka aad dhashay oo aan Bulshada wax tarin, iyo Adigoo dhinac lagaa jiro waayo)
2-Beryahaan Xamar waxaa ku batay Daawada Bidaarta Ragga iyo Daawada Birida Haweenka weeyneeyso oo hadda laga helo suuqyada Xamar intooda badan.
Nin Afgoi ku Xanaaneysto Shinada ayaa yiri: Annigaa hayo Daawo Dabeeci ah oo Birida Dumarka weeyneeyso, Haddii ey weeynaan weeysana Lacagtaada ayaan kuu celinayaa.
Haween badan ayaa Gurigiisa Afgoi ugu tagay, waxa uu yiri : Marka hore waxaad Gacanta ku shubanee Malab iyo Timir la isku Qasay, kadibna Birida iyo Cajirada ayaad si fiican u marsanee. Kadibna waxaad tagee Beerta dhaxdeeda Geedka Shinida lagu xanaaneeyo Hoostiisa.
Haddii ey kuu weeynaa weeydo Biridu, Lacagtaada iga qaado. Tijaabadaa waa lagu Guuleeystay in kasta oo Haween badani ee Jiifaan Isbitaal Digfeer. Shini Malab iyo Timir carfisay ha kugu shamuumto waa dhimasho( F.S: 1 & 2aad)
( Cadkii Alla kuu abuuray, Calaf ha kuu noqdo, Dhakhaatiirtuna Bulshada ha ka hubiyeen, Saameeynta ey Jirka ku reebi karto Daawadaan Suuqa Qabsatay)
3-Nin iyo Saaxiibkii ayaa waxa ey arkeen Saddax Haweena oo Jalaato heeysto. Midi waa dhuuqeeysay, Midina waa leefeeysay, midina waa Ruugeeysay. Waxa uu yiri: Saddaxdaa Haweenkaa tan la guursaday ma sheegi kartaa? .saaxiibkii ayaa yiri: Midda dhuuqeeyso. Kii kale ayaa yiri: waad khaladay, waa tan Faraantigu ugu jiro. ( F.S: 3aad)
( Mar kasta Jawaabaha ha ka dhax raadin, fursadaha su’aasha dhaxdeeda laguugu siiyo)
4-Nin ayaa isaga oo Quraacanayo Xaaskiisii ku yiri: Quraacdaadu sidaan ayeey u taal, Sariirtana kuma fiicnid, casharo badan ayaa kaa maqan. Kadibna shaqadii ayuu aaday.
Waqti yar kadib ayuu soo wacay si uu u raali galiyo, Laakin dhowr wicitaan kama qaban telefonkii. Mar dambe ayeey ka qabatay. Waxa uu ku yiri: Maanta oo dhan maxaad u qaban weeyday telefonka, xageed ku maqneeyd. Waxa ey ku tiri: Sariirta ayaan ku maqnaa.
Waxa uu yiri: Maxaad ku sameeyneeysay. Waxay ku tiri: Babe, soow ima dhihin Casharo badan ayaa kaa maqan. Casharkii Sadexaad ayaan qaadanay Hadda, Macallin Private ah ayaan soo kireeystay. Gacaliye, Caawa iga jeegareey in aan Casharkii ka faa’iiday iyo in kale.
( Madaxda qaar ayaan la dhihin Siyaasadda ma taqaaniin oon aan laga darin)
5 – Xalimo Qurbo oo 75 Sanno jir ah ayaa u tagtay Dhakhtarka Ilkaha “ Dentiiste” Gorgoradii ayeey iska saartay, kadibna Lugaheedii ayeey Kala Fogeeysay. Dhakhtarkii ilkaha ayaa ku yiri: war Annigu ma ihi “gynecologist “ Dhakhtarka Cudurada Haweenka, waxaan ahay Dentiiste.
Waxa ey ku tiri: waan ogahay, ee ilkihii Duqeeyga ayaa igu dhax dhacay. Dhakhtarkii ayaa yiri: war da’daan 75 jirka ah miyaa haweenku Rag u baahan yihiin. Goormee Haweenku Ragga ka maarmaan oo iska dhaafaan?. Waxa ey ku tiri: Su’aashaa Annigu kama jawaabi karo, ee weeydii Haweenka iga Da’da weeyn. ( F.S: 4aad)
( Xildhibaan ayaa la weeydiiyay, 20 sanno ayaad aheyd Xildhibaankii Beesha ee Goormee ey kuugu eg tahay Muddo Xilleedku, waxa uu yiri: Duqeeyda Beeshu Dollar ma diidaan, Da’daana ma gaarain ee Musaveni weeydii)
6-Haweeneey ayaa tiri: Camera –da Mobile keeyga ayaan Muraayad ahaan u isticmaalay, si aan Shuunka isaga xiiro. Markii aan dhameeystay waxaan arkay Facebook-geyga oo Like, Like, Like ey buux dhaafiasay, side wax iga noqdeen, oo Xageen wax ka khalday? ( F.S: 5aad)
( Ceebeey Tacaal. Siyaasadda Somalida waxaa hadda Shuunka looga xiirayaa Muraayada Mobile ka , Nasiib daro Likena looma saarayo) .
Qore: Yahya Amir