Sababaha keenay Baaqashada Kulanka Axmed Madoobe, saciid Deni iyo Madxweyne Farmaajo.

Iyadoo Xalay qorshuhu ahaa in Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uu kulan gaar ah uga furmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, kuwaas oo maalin ka hor soo gaaray Magaalada Muqdisho, hayeeshee kulankaas uu baaqday.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in sababaha kulanka uu u baaqday ay ka mid tahay tabasho ay qabaan Maamulka Jubbaland iyo shuruudo ay ku xireen,sida in Ajandayaasha Shirka lagu soo daro arrimaha Gobolka Gedo oo Dowladda Soomaaliya ay geysay Ciidamo farabadan iyo arrimo kale, waxaana la sheegay in shuruudaas uu ku raacay Maamulka Puntland.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe shaaciyay in kulanka Madaxwyene Farmaajo & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland uu furmi doono,isla markaana ay ka hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka balse wax walba ay is bedeleen markii wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ay shuruuda adag la yimaadeen.

Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 oo Go’aan looga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, hayeeshee cadaadis uga yimid Beesha Caalamka ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho.