Qarax xoog badan oolaga maqlay degmada Buula-burd ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax noociisu yahay miinada Rumuudka lagu hago lagu weeraray agagaarka garoonka diyaaradaha magaaladdaasi.

Cali Maxamed Cali Indha-buur, taliyaha Booliska degmadda Buulo Burde ayaa sheegay in qaraxu ka dhacay nawaaxiga fariisinka ilaalada garoonka, wuxuuna sheegay inuusan jirin khasaaro nafeed oo qaraxu sababay.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa kadib ay saacado hawada ka maqneyd isgaarsiinta magaaladda isla markaana ciidamaddu sameeyeen howlgalo aanan la ogeyn hadii ay dad ku soo qab-qabteen iyo in kale.

Dhanka kale Bishii June 22-keeda sanadkan 2020 ayay ahayd markii qaraxyo isku xig-xigay oo gaarayay illaa laba ay burburiyeen dhismaha madaarka, kaasoo bishii Janaayo 13-keeda isla xagaagan lagu bilaabay howlo dayactir.