Miinooyin Al-Shabaab ay ku aaseen Deegaanka Shabeeloow oo. la fashiliyay

Ciidamada Xooggga ee ka howlgala Gobolka Mudug iyo dad shacab ah ayaa fashiliyay miinoyin La  doonayey in lagu dhibaateeyo dadka  oo kooxaha  arggaxisadu ay xalay ku aseen tuulada Shabeellow ee hoostaga deegaankaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadweyn Axmed Daahir Macalin oo la hadalay warbaahinta qaranka ayaa shegay in la soo bixiyay miinoyinkaasi  marka laga  reebo hal xabo oo qaraxday dhawac fududna uu ka soo gaaray dad shacab ah.

Guddoomiyaha ayaa qiray in ay jiraan shaki laga qabo in minooyin kale  lagu aasay halkaasi,wuxuuna caddeeyay in  ciidamada ay wali wadaan howlgallo baaritaanno ah.

Dadka xoola dhaqatada ah ee degankaa ayaa ku wargaliyay ciidamada in habeenimadii xalay ay maleeshiyaad Al-Shabaab ah soo galeen deegaanka Shabeeloow,taasina waxa ay sababtay in dagaal kooban uu halkaa ku dhexmaro ciidamada iyo kooxahaasi.