Maadxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya.

Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa kulan la yeeshay Guddoomiya Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xubno kale oo ka tirsan Aqalka Sare.

Mr.Deni ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta Aqalka sare waxaana uu kulan uu la yeeshay sida la sheegay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Xarunta Aqalka sare ayaa waxaa uu kala hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, waxaana ugu horreeya waxyaabaha uu kala hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Dhanka kale Deni oo malmahaan ku sugnaa Muqdisho ayaa wada hadallo iyo sidoo kale kulamo kala duwan waxaa uu la leeyahay mas’uuliyiinta Mucaaradka iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaaliya.