Dowlad dhisida Soomaaliya hore bey u socon doontaa.

Khilaafka siyaasaddeed ee hadda taagan ma aha burbur qaran ee waa qayb kamid ah dowlad dhisida Soomaaliya.

Dad wax ka dhaxeeya ayaa doodda, wax kala jiita oo marmarka qaar iskhilaafa. Wadan dowladnimadiisu khilaaf iyo isjiid jiid ka jirin waa laba mid: 1- Wadan kelitalis ka taliya oo qofka wadanka madaxda ka ah ciddi ka daba hadli karin. 2- Wadan bulshada ku nool siyaasadda heshiis ku ah oo nidaam demoqraadi ka jiro iyo hay’addo dowladdeed oo awood badan.

Soomaaliya labbadaa nidaam midkood kama jiro. Kelitalis Soomaaliya kama shaqeyn karo. Mida kale Soomaaliya uma dhisna haykal dowladnimo oo adag. Garsoor madaxbanaan oo caddaalada ilaalsha, Baarlamaanka shaqadiisa yaqaan oo xukuumada la xisaabtama iyo Hanti dhowrka qaranka oo madaxbanaan.

Ciidankeennu waxey ahayd in siyaasadda ku milmin oo howlo sharci darro ah madaxdu u adeegsan. Laakiin waxey u dhaqmayaan sida maleeshiyo kooxeed cidda mushaarka siisaa ku adeegato, sharci iyo sharci darraba.

Inta xaalki sidaa yahay. Awoodda dalka isjiid jiid iyo muran wuu ka jirayaa, maxaa yeeley cid laga yeelayo ma jirto in ay ku takri fasho awoodda dowladnimo.

Dowlad Soomaaliyeed oo heshiis lagu yahay oo sharciga iyo dastuur ilaalisa oo demoqraadi ah dalka wey ka dhalan doontaa, wixii intaa ka horreeya isjiid jiidka siyaasaddeed wuu sii jiri doonaa, mana aha kala taga Soomaalida ee waa habka keliya ee lagu gaari karo ama lagu heli karo dowlad heshiis bulsho ku dhisan oo raali layskaga yahay oo sharci ku dhisan, tasoo awoodda dowladnimo ku takri falin. Dowlad shacabku leeyahay ee aan shaqsi ama koox lahayn.

Ilyas Mohamud Hussein