Saraakiil Soomaaliyeed oo ka Qaybgalaya kulan la doonayo in lagu dhiso Booliiska Afrika.

Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,, ayaa sheegay inay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Taliyaha ayaa intaa ku daray inay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo haatan lagu aas-aasayo Dalka Algeria isla markaasina ay direen Saraakiil.

Wuxuu sheegay Taliyuhu inay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Taliye Xajaar ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Inter Pol-ka, (International Police), Xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.

Dhanka kale S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intaa sheegay in dhowaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan Xafiis ay ku mideysan yihiin Boliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan inay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka Waddamada Gobolka.