Puntland iyo Jubbaland oo guda galay xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxtooyada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi DENI iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxay guda galeen xal ka gaarista khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxtooyada Soomaaliya.

Xalay kulan Casho ah ayaa loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, kadib kulamo ay la qaateen xubno katirsan Beesha Caalamka oo ah mas’uuliyiinta u yeeray labadaan madaxweyne Dowlad Goboleed.

Maanta ayuu qorshuhu yahay inay is hor fadhiistaan Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulankaasi ayay uga doodayaan habka looga gudbi karo khilaafaadka siyaasadeed ee muddo ragaadiyay labadaan Madaxweyne Goboleed ee dhanka kasoo wada jeeda iyo Dowladda Federaalka.

Ajendaha muuqda ee hordhaca kulankooda waa ka xal gaarista Shirkii Dhuusamareeb (3) oo Deni iyo Madoobe ay diideen ka qaybgalkiisa iyo qodobadii ka soo baxay oo ay gaashaanka ku dhufteen, balse cadaadista Beesha Caalamka uu sababay inay muujiyaan dabac siyaasadeed oo aan rabitaankooda ku imaan.

Dhanka kale waxaa laga sugayaa warsaxaafaeed ku cad dhammaan waxyaabaha ay ku heshiiyaan, waxaana natiijada ka soo baxda dib loogu celinayaa Beesha Caalamka si ay marqaati uga noqoto.