Meel dheer wax ka fiiri!!!

Waxaa jirto Maahmaah Caalamiya oo leh: ( Meesha Xalka Siyaasadu ku guuleeysan waayo, waxaa ka bilaawdo Xalka Xabadda).
Somaliyana waxaa Caado u aheyd, Haddii Luqadda Qaranka la isku fahmi waayo, in Luqadda Qabiilku bilaabato.
Somaliyeey Xaalada uu Dalku hadda marayo waxaa ka muuqdo in Siyaasadii iyo Qarannimadii la isku fahmi waayay. la iskuna qasbayo in Qoray iyo Qabiil la isku fahmo.
Somaliyeey meel dheer wax ka fiiri ( ( F.S:1aad) Somaliyeey Su’aalo badan is weydii ( F.S:2aad)
Runta aan isku sheegno, Jidka aan ku socono, waa isla Jidkii ummaddo naga horeeyay ey ku baaba’een, Shacab aan Dagaal rabin oo Madaxdii ey leedahay iska keey celi, waxa ey ku dhamaanee, Madaxdii oo Magan galyo doon ah iyo Shacabkii oo madax la’aan ah, mar dambena aan is aaminin. taasina waa Cadawga Ciidiisii iyo Gacal go’ay.
fashil Siyaasadeed = bilaaw Xabad. Fashil Qaran = Qabiil.
waxaa noo muuqdo Masuul Dagaal doon ah iyo Mooryaan maslaxa doon ah.
Saxan saxo Colaadeedeed ayaa Suuqyada ka muuqato, Xaqiiqda yaan la iska indha tirin ee sidaan ha la isku dhaamo, waa iga talo.
Qore: Yahya Amir