Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Maamulka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Muqqdisho:-Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sheegay n kulan muhiin ah Magaalada Muqdishokula qaatay Safiir ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee arimaha Dalka Somaaliya H.E Fabio Massimo Ballerini.

Dhinacyadaasi waxay kulankaasi diirada ku saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballanqaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doono.

Safiir ku-xigeenka ayaa boogaaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay ku tallaabsadeen maamulka Galmudug,wuxuuna kula dardaarmay in halkaasi laga sii wado dadaalka loogu adeegayo bulshada.