Dagaal dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Koofurta Itoobiya.

12 qof ayaa  ku dhimatay 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay koonfoorta dalka Itoobiya .

Saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in  dagaalka uu u dhaxeeyo qowmiyadaha Konso iyo Ale oo halkaasi wada daga.

Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xiriira dhul deegaan ah oo qowmiyaduhu isku hayaan.

Colaadaha la xiriira dhulka iyo xoolaha ayaa badanaa ka dhaca dalka itoobiya.