Cumar Filish “In laga qaado Dhagaxaanta wadooyinka Muqdisho way noo suurageli waysay caqabadaha amni darteed”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa sanad kadib ka hadlay waxyaabaha ka fulay ballanqaadyadii uu sameeyay markii Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay xilkaan.

Waqti ahaan munaasabadda laguma soo beegin maalintii la magacaabay oo waxa ay ahayd 22/08/2019, sidoo kale waxa uu xafiiska si rasmi ah ula wareegay 29/08/2019, balse waxaa lagu soo aaday xalay oo ahayd 1-da September 2020 in la maamuuso sanad guuradiisa 1-aad.

Cumar Finish waxa uu goobta ka sheegay in sababta uu u fulin waayay ballanqaadyadii uu sameeyay oo qaybta ugu weyn ahayd qaadista dhagaxaanta waddooyinka lagu xiray jid-caddayaasha iyo isgoysyada caasimadda.

“Habeenkii aan xilka la wareegayay 29-kii Agoosto 2019, shacabka waxa ay doonayeen qaadista dhagaxaanta, waxyaabihii aan ballanqaaday ayay qayb ka ahayd, balse way noo suurageli waysay caqabadah amni darteed” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waxa uu sheegay in labada Gobol ee Kulaala Caasimadda Shabeelaha Hoose oo Koofur Galbeed ah iyo Shabeelaha Dhexe oo Hir-Shabeelle ah haatan ka bilawday howlgalo lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho, maadaama uu sheegay in halkaas laga soo abaabulo weerarada iyo qaraxyada ka dhaca Caasimadda.

“Waan jecel nahay magaalo amni ah oo isu gudubkeeda gees ilaa gees u xor yahay, balse wax waliba duruufaha amni ayaa naga hortaagan, qaadista dhagaxaanta waxa aan ku badalnay howlgalo militariga ay kawadaan labada Shabeelle si xasiloonida loo adkeeyo” Sidaas waxaa yiri Cumar Finish.

Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Sidii aan rabnay wax waa noogu suurageli waysay, dadaalkeenu mayaro, waxaase naga sare maray duruufaha Amniga oo ah waxa ugu horeeyo ee u baahan in aan ka shaqeyno, waxaana bilawnay fulinta ballanqaadyada sida ugu fudud ee aan u fulin karno”.

Qaar kamid ah shacabka Degmooyinka Gobolka Banaadir waxa ay sheegeen in xirnaashiyaha waddooyinka waaweyn iyo kuwa dhexmara Xaafadaha dhibaatooyin ku qabaan oo xitaa Maydka aan gaari lagu qaadi Karin, waxaana Dowladda ay ka dalbadeen qorshe xirista ka duwan in ay la timaado.