Abuukar Baalle ma ahan agaasimaha Villa Somalia!!!

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle ayaa ku dhex-milmay arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka, iyadoo ay dabada ka riixayaan dano siyaasadeed oo ay madaxtooyada wadato.

Ka danjire Caalim ahaan, waxaa aad ula fajacay markaan mareegta Internet-ka ka akhristay warka ku saabsan inuu safiirku dacweeyay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, taasoo gef ku ah heykalka dowladnimo iyo mansabka uu Soomaaliya ku matalo ee Madaxweyne ku xigeenka Qaramada Madoobe.

Danjire Baalle, ayaa iila muuqda mid kala garan waayay shaqada safiirnimo iyo xilkii agaasimaha madaxtooyada oo uu horay Madaxweyne Farmaajo ugu qaabilsanaa,

waxaana howshiisa ka muuqanaysa dayacaad badan. Maxaa waalay Danjire Abuukar Baalle?

Dacwo ayuu ka gudbiyay xafiiska Qaramada Madoobe ee UNSOM,

wuxuu dhawr Jeer dhalleeceeyay Mamulka somaliland, puntland, Jupaland
siyaame kala Gadisan Mashaariicda
DP World.

Maxaa intaas oo dhan ka galay, muxuu mansabka uu umadda Soomaaliyeed ugu fadhiyo ugu ciyaarayaa, oo siyaasadda arrimaha gudaha ka galay?!

Ma wasiir xukuumadda ka tirsan baa marka uu ka hadlayo arrinta Somaliland mise waa la taliyaha dib u heshiisiinta ee madaxweyne Maxamed Farmaajo?!

Hadallada dhiillada xambaarsanse daawo ma u noqon karaan rajada shacbigu ka qabo in walaalahayo Somaliland beelaha waqooyi laga booga-dhayo mahadhooyinkii dhacay oo ay tirsanayaan?

Maxaa uu gabay Danjire Baalle oo laga rabay?

– Diyaaradaha Maraykanka ee har iyo habeen shacabka xoola dhaqatada iyo beeraleeyda ku xasuuqaya gobollada Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool iyo Jubbooyinka muxuu kaga aamusan yahay.

Duqeymaha arxanka daran ee Kenya ku heyso shacabka gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland miyaanay ahayn inuu ka hadlo?

-Fatahaaddaha Baladweyne illaa Koofurta fog ee Jubbada Hoose harqiyay muxuu adduunka ugu soo bandhigi waayay dhibatadaasi oo illaa maanta malaayiin qoysas ah ay daranyada iyo diifta la yaallaan bannaan cidlo ah markii ay fatahaaddahaasi ku xoolo beeleen xubno kamid ahna kaga la’deen?!

– Shacabkii Soomaaliyeed ee qaxootiga Yemen ku ahaa oo diyaaraddii ay u soo saarnaayeen Berbera gantaalka lala dhacay muxuu uga gaabsaday?!

-Dhibaatooyinkaasi oo ay ahaayeen inuu kala hadlo adduunweynaha waa uu iska indha-tiray, oo xataa uma uusan damqan Danjire Baalle.

Haddaan taariikhda dib u milicsado kursiga uu danjire Baalle ku fadhiyo waxaa horay u soo maray masuuliyiin kale duwan, kuwaasoo marnaba aan ku kicin ficillada gurracan ee siyaasadadeysan.

Soomaaliya ayaa xilkan horay usoo qabatay dhowr jeer oo kala h sandkii
1963-64 oo uu soo qabtay Dr Xasan Nuur Cilmi, 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed Aadan “Qeybe” iyo Sanadkii 1986-87 oo uu soo qabtay Cabdullaahi Cismaan.
Yuusuf Garraad oo u dambeeyay iyo intii ka horreeysayba kama aynaan hadli jirin waxyaabaha uu hadda wado danjire Baalle,

– sow la yaab ma ahan in dariiqii saxda ahaa uu uga weecsado fulinta dano siyaasadeed oo Villa Somalia ay leedahay?

Ka danjire Maxamed Caalim ahaan, waxaan soo jeedinayaa in kursiga Soomaaliya ee Qaramada Madoobe aan la macno tirin, oo kooxda Madaxweynaha sharafta leh ee Farmaajo ka daayaan dibindaabyada siyaasadeed iyo kala qoqobka ay u malleegayaan shacabkaan dhibaatooyinka iyo diihaalka ku soo jiray sanadaha badan.

Somalia waxey kamid tahay dalalka caalamka ku leh ahmiyad gaar ah marka laga hadlaayo colaadaha iyo dhibaatooyinka ay leeyihiin ay kamid yihiin qaran burburka, amni la’aanta, nidaam la’aanta iyo masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadimka abuuraba.

Waxaana muuqanaysa in danjire Baalle uu umadda Soomaaliyeed ka luminayo fursad qaali ah oo ah in caalamka loo bandhigo dhibaatooyinkaasi si waxqabad uu u yimaado.

Waxaan ku soo gebagebeynayaa faalladaydani “Danjire Baalloow ma tihid agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ee xilka laguu igmaday garo”!!!

Danjire Maxamed CAALIM)
Wabillaahi Towfiiq
Espoo, Finland

Shere Garee