Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS & Wafdi uu hogaaminayo oo ku wahan Balcad.

Muqdisho:-Wafdi uu hogaaminayo sii hayah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa saakay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe si ay u dhagax dhigaan dugsi sare oo qeyb-ka ah mashruuca horu-marinta waxbarashada.

Wafdigaan waxaa qeyb-ka ah, wasiiro ka tirsan xukuumada Hirshabeele,Guddoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe Axmed Meyre makaraan iyo xubno kale.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada ayaa dhawaan dhagax-dhigay goobo waxbarasho oo laga hirgaliyay Baardheere ,Garbahaareey iyo Dooloow Soomaaliya.