Shimbirtii Labada Madax leheyd iyo Somalia.

waxaa jiri jiray Shimbir leheeyd Laba Madax, laakin Caloosha ayeey Wadaagaan oo isaga dhagan oo mid kaliya aheyd. ( F.S:1aad)
Maalin ayaa Labadii Madax, Madixii kowaad ayaa arkay Miro aad u qurxan, waa uu dhadhamiyay, waxa uu yiri: Mirhaan, Mira ka macaan Nolosheeyda ma arag.
Madaxii Labaad ayaa yiri: Waxaan rabaa in Aniguna aan markeeyga dhadhamiyo. Madaxii kowaad ayaa yiri: Aniga ayaa hor arkay, kaligeey ayaana Cunayo, koleeyba hal Calool ayaan wadaagnaa, wixii aan cunu Dharagtooda iyo Nacfigooda waad ila wadaagee, Laakin dhadhanka Anigaa hor arkay oo Xaq u leh.
Maalin kale ayaa Madixii Labaad waxa uu arkay Miro Sun ah oo Geed ku yaal, waxa uu yiri: Mirahaan ayaan cunayaa, Anigaa hor arkay Anigaana dhadhaminayo kaligeey, waana ku wada dhimanayaa, koleeyba hal Caloola ayaan wadaagnaa, Adiguna waad igula dhimanee.
Madixii kowaad ayaa yiri: ha nagu dhadhamin waan wada dhimaneynaa, Laakin Madaxii Labaad ayaa ku adkeeystay isaga oo leh: Adigaa Diiday in Macaan iyo qaraarba aan wadaagno, bacdamaa aan nahay isma hurto aan kala hareeyn.
Madixii Labaad waa cunay Mirihii, Labadii Madax ee Caloosha wadaaga ahaayna waa ku wada dhinteen.
FG: Hayeey, Hayeey, Somaliyeey Laba Madaxleey ma ogtihiin in hal Calool ey idinka dhexeyso, oo aan la kala hareeyn.Waa iga talo, Talada hala wadaago.
Qore: Yahya Amir