Madoowe iyo Dani oo kulan la qaatey safiiradda beesha caalamka maxay ka wada hadleen?

Madaxweyne Axmed Madoowe iyo Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatey safiiradda beesha caalamka iyagoo weli la kulmin qof ka tirsan Dowladda Federaalka. Marka laga reebo Gudoomiye Gobolka Banaadir ma jirin hal qof oo Dowladda Federaalka ka socdey oo soo dhaweeyey labbada Madaxweyne.

Soomaalidu isma doonayaan ee waa laysku qasbayaa si ay u dhistaan dowlad Soomaaliyeed. Shimbirna qoor qabasho biyo kuma cabto.

Dad Soomaali ah baa qaba in beesha caalamka caqabad ku yihiin dowlad dhisida Soomaaliya. Balse waxaa muuqata in beesha caalamka isku hayso siyaasiyiinta Soomaalida oo hadba kii carrooda ama is madax adkeeya soo qasabta. Soomaali weli uma bisla dowlad laysla leeyahay oo talo wadaag ku dhisan.

Ilyas Mohamud Hussein