Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo si diiran loogu soo dhoweeyay Muqdisho+Sawirro

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda , Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Wasiirro iyo xilidhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweey Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubbaland Axmed Madoobe.

Labada madaxweyne ayaa la kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka 2020/2021.