Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo Maanta kusoo wajahan Muqdisho.

Muqdisho:-Waxaa saaka si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo maanta ay ku soo wajahan yihiin labada Madaxweyne ee maamullada Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan Waddooyinka ku dhow Garoonka Aadan Cadde , iyadoo halkaasi laga celinayay Dadka iyo Gaadiidka.

Waxaa sidoo kale la xiray qeybo badan oo ka mid ah waddada Makka Al-Mukarrama iyo dhammaan jidadka dhinac mara xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo la yeelanaya Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankooda uu ka dhici doono xarunta Xalane, iyadoo shirkan diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa daba-scoda shirkii Dhuusamareeb-3, kaas oo lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka, iyadoo ay ka maqnaayeen madaxda Jubbaland iyo Puntland.