Madaxweynaha Jubbaland: “Ciidamadaan waxay qaadi doonaan Howlgal ka dhan ah deegaannada..”

Muqdisho:-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada darawiishta dowlad goboledka Jubbaland kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka dhanka ah argagixisada.

Ciidamadaan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb-qaadanaya Howlgalada lagu cirrib tirayo Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamada darawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaannada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka la xureeyay sidoo kalana ay ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaannada ay Argagixisadu ku sugan yihiin iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.

Ma uusan sheegin in Ciiddankaasi ku biiri doonaan Ciiddanka Jubbalanad ee Hawlgalladda ka wada qeybo ka mid ah Jubbooyinka.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaalladda Muqdisho, si ay Kulamo Wada-tashi Farsamo ula yeeshaan Madaxweyne Farmaajo oo ku aadan Dib-u-eegista Qoddobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 iyo Nidaamka Doorasho ee wada-oggol ah iyo qoddobo kale.

Sidoo kale, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxay Xeradda Xalane kula kulmi doonaan Danjiraha Maraykanka iyo Diplomaasiyiinta Beesha Caalamka.