Burcad Koonfur Afrikaan ah oo dil iyo Dhaawac u gaystay Ganacsato Soomaaliyeed.

ALLAHA u Naxariistee, Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xaamud Aadan Dhiblawe, ayaa dhagarqabayaal Madow-South African ahi waxay ku dileen deegan lugu magacabo Atteridgeville oo hoos taga Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalkani Koonfur Afrika, sida ay eheladiisa inoo xaqiijiyeen.

Dilka Marxuumka, ayaa ku soo beegmaya xilli saacadihii la soo dhaafay Muwaadin kale oo lagu magacaabo Saadaq Cismaan lagu dhaawacay Tuulada Khayelitsha oo ka tirsan Magaalada Cape Town.

Ugaarsiga Ajaanibta, ayaa aad ugu badan South Africa, waxaana ay dilalku aad u soo laba kacleeyeen intii Lockdownka lagu jiray, taasi oo loo aanaynayo shaqo la’aanta baahsan ee Dalka soo wajahday oo dhalisay in Tuugada gaajoon ay falal burcadnimo ah kula dhaqaaqaan Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ajaanibta kale.

WQ:Abdulrazak IndhaJaceyl