Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Samo-reeb:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta kormeeray xarunta Wasaarada Maaliyadda ee Galmudug, si uu ugu kuurgalo shaqooyinka baaxadda leh ee ka socda halkaas.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda mudane Farxaan Cali Maxamuud ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey Wasaaradda maaliayadda isagoona mid mid usoo tusay xafiisyada qeybaha ee wasaaradda.

Kaddib kormeerka, madaxweynaya ayaa kulan guud layeeshay wasiirka, agaasinka guud iyo dhammaan hawl wadeenada wasaaradda waxa uuna kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.