Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Madaxweynaha Galmudug oo furay kalfadhiga 2-aad ee Barlamaanka Galmudg

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xalay si rasmiya Magaalada Dhuusamareeb uga furay Kal-fadhiga labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Munaasabadda Furitaanka Kal-fadhiga Baarlamaanka Galmudug, oo ka dhacday xarunta lagu magacaabo Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyey Furitaanka Kal-fadhiga, wuxuuna Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Galmudug Maxamed Nuur, uu sharraxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay Kal-fadhigii kowaad iyo waxyaabaha u qorshaysan kal-fadhiga furmay.

Madaxweyne Qoor Qoor, oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga Baarlamaanka Galmudug, waxa uu halkaasi ka jeediyay khubad dhinacyo badan kaga hadlay sida; Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Garsoorka, Dhaqaalaha, Maamul wanaagga iyo Arrimaha siyaasadda.