Dhacdooyinkii Waqtigii Kacaanka=Nasashada Jimcaha.Q-215=

1-Nin waqtigii kacaanka ka sheekeeynayay ayaa yiri: Saddax mar ayaa kacaanku i xiray, mar Heestii Guulwade Siyaad, ayaan si xun u qaaday, Anniga oo aan aqoon. Marna meel Nin Madax ah ka khudbeeynayay ayaan aad ugu qunfacay, Hargab ayaana i hayay ,Laakin waxaa la igu soo eedeeyay khubada Madaxda ayaad carqaladeeysay, Kadibna, waxaan goostay in aanan mar dambe Heesta Guulwade Siyaad aanan wax ka qaadin, meel Madaxu ka khudbeeysana aanan tagin. Maalin kale ayaan soo dhinac maray meel Heesta Guulwade Siyaad laga qaadayo ,waana iska dhinac maray. Maxaad wax uga qaadi weeyday ayaa haddana la ii xiray.( F.S: 1aad)
( War Xeerka Cusub ee Saxaafadu ,siduu yahay? ma iska fiiriyeen Suxufiyiintu, Qodobka Qunfac diid ma ku jiraa?).
2-Nin ayaa Saaxiibkii ku yiri: Shaqo waxaan ka bilaabay Guulwade nimo, Dagaalkii 77 na qeyb ayaan ka qaatay, weligeey iskaa wax u qabso kama baaqan, Sawirka Jaalle Siyaad Derbiga Qolkeyga Jiifka ayuu ii surnaa weligeey.
Qabyaaladii ayaan wax ka aasay. Shirarka Degnmada weligeey kama baaqan. Shahaado sharaf kacaannimo 4 mar ayaa la i siiyay. Laakin weligeey ma dalacin.( F.S: 2aad)
( Saaxiibkii ayaa ku yiri: , khaladku wuxuu ahaa Adiga, Adiga ayaan is aqoon cidda aad aheyd, iska Samir haddana waxaad dhalee ,wiil daacad ah oo ka mid noqdo Xoogaga wadaniyiinta).
3- Farax Gololeey iyo Darawalkiisii oo waddada marayo ayaa Arkay Gabar uu Jaalle Siyaad dhalay oo waddada dhinac taagan. Lifti ayey u soo qaadeen intii ey waddada sii socdeen ayaa Dhuuso fakatay, Gabadhii ayaa tiri: War kiinee dhuusay, Dad waaweyn ayaadba tihiin ee maad Dhuusada naga deeysaan.
Faarax ayaa ku yiri: Haddii Aabahaa uu Dadka Afkii ka xiray, Adiguna ma Dabada ayaad ka xiree Dadka. Horaa naloo yiri: Afgoi aad, ama Afweyne raac, ama Afkaaga qabso.
( Xuriyaadii Haddalka ee Dadka laga qaaday waxay ku dambeeysay Halgan iyo Dadkii oo si waaliya u wada furtay Duleelada oo dhan wadooyinkana ku xaaray, Dadka ayaan lagu celin Neefta).
4-Kacaankii ayaa loo sheegay in Dadka ku nool Miyiga Degmada Cadale ey Kacaan diid yihiin. Waxay u direen Nin Guulwade Nabadsugida ahaa oo sidii Reer miyiga u soo labistay, oo isla deegaanka ka soo jeeday, intii uu jidka baadiyaha sii socday ayuu arkay Nin Reer miyi ah oo Geeliisii la joogo. Salaan kadib ayuu Shirib Su’aal ku weeydiiyay: Kuna yiri: “Hiyinki hore iyo Halkaan Mid hoos qaboow amaad heshaa?” ( Hiyin waa geed ,wuxuuna uga jeeday, Dowladii hore iyo midaan tee fiican) .
Geel jirihii ayaa ku jawaabay: “Heey heeybin, Kuma heeybiyee, Ninkii ku harsadaa helee”. ( Tii hore iyo Tanba Annigu ma harsan oo Geel jiraan ahaa).
Waqtigaa waxay aheyd waqtigii Hotel Juba uu gubtay ee Kacaanku yiri: umma baahnin gacan Shisheeye, waxaan ku dhiseeynaa Iskaa wax u qabso. Guulwadihii ayaa sheekadii bedelay oo yiri: “Hiloowloow Hashaada keen, Hotelki Juba waa holcee”. Hiloowle ayaa ugu jawaabay: “Hasheeyda aan hogaamiyee, Habeen ma ku hoya karaan?”. Guulwadihii oo rabo inuu u sheego Hilowle in Xataa Madaxdii Golaha sare ee Kacaanku ey gacantooda wax uga dhisaan oo Habeen iyo Maalin ey shaqeeyaan, Guulwadihii ayaa yiri: “Habeenya Maalin ma hurdaan oo huruumareey ku howl jiraan”. Hiloowle ayaa ugu jawaabay : “Habeenya Maalin kaan hurdeeyn, waa habaatray Hooyadii”. ( F.S: 3aad)( Reer Miyigu, Siyaasadda waa la socdaan, ee Reer Magaalka ayaan wax weeydiineeyn ama aan fahmeeyn).
5-Odayaal Makhaayad ku sheekeeysanayo ayaa waxaa soo ag fadhiistay Nin Nabadsugid ah oo aan dhar ciidan wadan si uu u dhageeysto warkooda ,haddii ey kacaanka wax ka sheegaan si loo xiro. Si sarbeeb ah ayeey shirib isagu weeydiiyeen:
Mid ayaa shirib ku weeydiiyay, amaa nabadsugudi na ag fadhsidaa? Kii kale ayaa ugu jawaabay. “Sida Raqiib iyo Catiid ayey labada reed naga rogaan”.
( Hadda war lagaa dhageeysto wax kaama dhibee, Xabadaha dhinacaaga ah iska fiiri ayeey maree)
6- Degmada Shangaani ayaa Waqtigii Kacaanka lagu qabtay Shir looga hadlayo Horuumarkii Kacaanku uu sameeyay mudadii uu jiray, waxaa loo yeeray dhamaan Akhyaartii Degmada. Waxaa ka mid ahaa oday Macaani Daacad, oo aan fahmin in la rabo in kacaanka la amaano sax iyo khaladba. Si daacad ah ayuuna isaga hadlay.
Waxaa lagu soo dhaweeyay Makroofankii waxaana lagu yiri: ka hadal Horuumarkii Kacaanku ka sameeyay Degmada. Waxa uu yiri: Kacaanku Horuumar weyn ayaas ka sameeyay Degmada. Istaagbo Aay iisho, wey istaagtay. Wuxuu yiri , Macaani oo Amaanayo kacaanka muujinayana halka uu ka soo qaaday Dadka Madaxda ah qaar, ayaa yiri: Aay Iisho Cadeey kacaanka hortiis waxey aheyd Sharmuuto, Xaafadda dhan waa yaqaaniin, haddana waa Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Degmada. Aaw Cumarrow istaagbo, waxaas Xamaali ka ahaay Bakhaarkeeyga, Tuugna waas ahaay, haddane waa Gudoomiyaha Degmada Shengaani. Eeeeh, Kacaanku Horuumaas gaaray, Dadkii kor aas u soo qaaday, wixii hore ka tag hadda waa Mas’uuliyiinta Qaran. (F.S:4aad).
( Ar kuwa hadda Qorax joog iyo Qurba joog ahi, mas’uuliyiin Qaran waaba yihiine, Markii hore maxey ahaayeen?).
FG: Sheekooyinkii waqtigii Kacaanku waa badnaayeen, Qofba si ayeeyna u soo gaareen.
Qore: Yahya Amir