Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay maamulka K/Galbeed.

Maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay ayaa waxay halkaasi ku soo bandhigeen Nin ay sheegeen inuu ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab uu isku soo dhiibay.

Ninkaan oo Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Xasan ayaa mas’uuliyiinta Maamulka degmada Qansax-dheere waxay sheegeen inuu muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgalayay tuulooyin hoostaga degmada.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxay sheegeen in sarkaalkaas uu Ciidamada isku soo dhiibay, kadib amrkii uu u adkeysan waayay dhibaato ay Shacabka ku hayaan Al-Shabaab waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhankakale Sarkaalka ay Ciidamada Daraawiishat Koonfur Galbeed ay sheegeen inuu Ciidamada isku soo dhiibay ayaa wuxuu watay Qoray AK47 iyo Booshkiisa,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku wareejin doonaan.