Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo Todobaadka so socda Muqdisho ku soo wajahan.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay soo saaraan war murtiyeed wadajir ah oo looga hadlayo marxalada siyaasadeed, doorashooyinka iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland todobaadka soo socda ay tagi doonaan Muqdisho, halkaasna uu mar kale ka furmi doono wareeg kale oo ah Shir ay isugu imaanayaan DFS iyo DG.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa horaantii todobaadkan si wadajir ah u caddeeyay in aanay qeyb ka aheyn, cidna ku matalin shirkii Dhuusamareeb, war murtiyeedkii laga soo saarayna uu ahaa aragti ku koobnaa Madaxweynah Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Hadalkaan ayaa meesha ka saaraya warar labadii maalmood ee la soo dhaafay la hadal haayay oo ku saabsanaa in ay suurta gal tahay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ku biiraan shirka Garowe uga socda Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirka uu dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada uu ka dhici doono Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Xeyndaabka amnigiisa ay sugaan Ciidamada AMISOM.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo ku saabsan sidii mar kale ay isugu imaan lahaayeen shir ay u dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isla markaana aragti mideysan uga gaari lahaayeen marxalada kala guurka iyo doorashooyinka.