K/Afrika oo dib u furaysa Xarumaha Home Affairs-ka ee ay ka qaataan Dadka Maganliyo-doonka ah Sharciyada Qaxootiga.

Xarumaha Home Affairs-ka ee Dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan qeybaha ay Dadka Maganliyo-doonka ah ay Sharciyada Qaxootiga ka qaataan, ayaa albaabada loo ballaqi doonaa horraanta Bisha September ee soo socota, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Masuuliyiinta ka shaqeeya Xafiisyada Home Affairs-ka ee Magaalada Cape Town.

Waxaa heer gabogabo ah maraya, kulamo looga arrinsanayey, sidii iyadoo la raacayo Shuruucda #COVID19 loo dhamaystiri lahaa dhammaan agabka ka hortagga Coronavirus loo adeegsado, qaabka kala hagista Dadka, calaamadaha kala fogaanshaha iyo tirada xadidan ee la qaabili doono, waxaa sidaasi ii sheegay Weriye Sharmake Nuur oo ah Wakiil Wareedka Warbaahinta KNN u qaabilsan Dalalka dhaca Afrikada Koonfureed oo isagu maanta tagay Xarunta Home Affairs-ka Cape Town.

Waxaa jiri doona shuruuc cusub oo lagu kala yareynaayo qaabilaadda Maalinlaha ah ee Dadka ay Sharciyada ka dhaceen intii lagu guda jiray Xayiraadda Koroonaha.

Abdulrazak IndhaJaceyl