HADAFKII FILASOOFYADA REER GALBEED DALALKOODA KA ABUUREEN FEMINISM OO DUMARKEENA LAGUBEERAY

1772-1837 waa Charies
Aduunyadan aynu kunoolahay, waa mid aynu ugu noolahay sabab ah in layna imtixaamayo. Waxaana jiraya imtixaankaas in dadna qaataan oo raacaan sida saxda ah,ee ku haboon nolashan aduunyada iyo mida aakhiro labadaba,halka qaar dadka ama adoomada illaahay ay dadka ka leexinayaan wadada saxda ah ee u fiican aduunkooda hada iyo aakhiradoodaba. waana wax uun yaab leh in dad sidaas ahi jiraan oo waxaad uuga hartaa nin waliba abaalkiis ayaa meel u yaal.
Nin kamid ah ragii filasoofyada ahaa ee reer galbeed oo fransiis ah waa Charies Fourier,ayaa dhamaadkii qarnigii 19 tobnaad kamid ahaa ragii u kacay in uu badalo mucjatamaca qaab nololeedka uu ku sugnaa xiligaas. buug ayuuna qoray 1808 dii. waxa uu udooday xuquuqda dumarka reer galbeed,inay helaan sinaansho ay raga lasimanyihiin,dhanka dhaqaalaha,siayasada,wax barashada, ragkale ayaa kadaba qaatay oo arintii sii waday. Ninkan oo lagu magacaabi jiray  Charies Fourier waxaa la sheegaa in uu bixiyay magaca Feminist. oo ah ahdaaf dumarka ku wajahan xuquuqdooda siday sheegaan.
Waxaa jiray in ninkani meel isugu geeyay  dad gaaraya 350-400 oo ubadan dumar ragna ku jiro oo uu ku shubay afkaartiisa uu ku sheegay in uu xuquuq u raadinaayo dumarka. waxa uuna ahaa mid shuuciyada aamin san oo lagu xanto in fikirkiisaas uu qaatay Karl Marx oo isaga iyo  ninkii la oran jiray Friedrich Engels ahaa ragii falsafada shuuciyada aas aasay ee dhaliyay. hadaba hadafka uugu wayn ayaa ahaa in dadka laga kaxeeyo wixii loo abuuray oo ahaa in ay rabbigood caabidaan oo diinta xaqa ah ee islaamka ah  haystaan intaas ayaa  bar dhamaadkoodu ahaa. way kaa ogyihiin in illaah jiro diintiisuna jirto xaqna ay tahay in isaga uun la caabudo oo la ahaado islaam,saas oo ay tahay ayay yiraahdeen diin oo  dhami majirto islaamkayna u jeedaan oo kaliya.
Qarnigii 19 tobnaad raac ayaa kacay uu lahaa dumarku xaq ha u yeesheen in ay codeeyaan, qarnigii 20 naad 1960 raac kalaa ka cay oo layimid arin cusub oo ah xoraynta dumarka, 1990 ilaa hadana waxaa socda wax kale oo oranaaya haweenka waa in ay lawareegaan talada dalka oo ay qabtaan hogaanka u sareeya dalwalba. waxaa kaloo socda heer ah ragba waa laga maarmaa,xuquuqdooda waxaa lagaarsiiyay in ay ninka iyadu guursan karto,furi karto, in aysan khasab ahayn in ay guursato nin iyo wax yaalo kale oo aynaan ka hadli karin. waxayna ku doodeen in naagtu uuryeelato oo guriga kushiinka dhex joogto iyadoo uur leh ninkuna shaqadiisa banaanka kasoo qabsado,waa cadaaladaro sinaan ma aha ayay ku doodayaan. bal heerka rag gaarsiiyay day masaakiintaa iyo inta darbi ee lagala booday.
waxay hada wada mada galbeedka marayaan in ay xisbi Feminist ah samaystaan,waana heerkii lalarabay oo ah in qoyskii dhisnaa ee ka koobnaa nin iyo naag lakala dhex galo oo la burburiyo. in lafasaadiyo usrada iyo qoyska laysaga dhigo cadaw iyo jabhado is haya,iyo is xorayn iyo sheegasho xuquuq aan ahayn tii illaahay siiyay raga iyo dumarkaba. ragbaa hawshaa wada duulaan ku ah jiritaanka mujtamaca aduunka kunool,iyo siday la tahay in ay burburiyaan diinta islaamka iyaga oo xuquuq dumar ku gabanaaya. hada waxay arinku noqday xuquuqda dumarka ee leh ururada siyaasada iyo xisbiyada wadamada galbeedku arin isu rogay diin ahaan in loo caabudo oo loo rumeeyo mabaadiida iyo falsafadaha ah FEMINIST. ragbaana kasameeya lacago iyo masaalix dano siyaasadeed ku gaarideed dhab ahaana iyagaa ku tumanaaya xuquuqda haweenka oo isticmaalaya.
 Ilaa qarnigii 19 naad ilaa maanta wax maalinba geed lasoo fariistaba hada heerkaad aragteen ayay maraysaa arinku.aad iyo aad baa dhaqanka soomaaliyeed oo huwan diinteena islaamka ahi u ilaaliyay xuquuqda dumarka soomaaliyeed waligeedba.halka dhaqanka wadamada galbeedku ay dumarka si foolxun ula dhaqmi jireen. waa mid cad taariikhdaa sheegaysa. tusaale ahaan ninku wuxuu xaraysan jiray 100 dumar ah,tii xoogaa jilicda ama dadeedu yara waynaato waa dilayaa ama cayrinayaa! waxaa dhaqanka soomaaliyeed qarniyaalo iyo hadaba ceeb ahayd nin dilay qof dumar ah waxaana loo yaqaan BIRI MA GAYDO laakiin cadaanku dumarka waydilaan ceebna lama aha.
Hadana reer galbeed xuquuq dumar madoonaayo ee sixun ayay u isticmaalayaan oo u dulaynayaan dumarkoodii halkay ka xurmayn lahaayeen xuquuqdoodana illaalin lahaayeen. Laakiin waxay xoog saarayaan xoolana ku bixinayaan in ay dunida dalwalba geeyaan fikirkaa dumarka in guryaha laga soo saaro lagana horkeeno raga xukunkana iyaga lagu wareejiyo. waxayna ogyihiin waxa halkaa ka dhalanaaya! waana midaa tay doonayaan had iyo jeer. waxaan ognahay hooyadu waa barbaariyaha ubadka ama caruurta,hadii iyada maskaxda laga qabsado oo laga badalo dhaqankeeda iyo diinteeda waxay ku abuuraysaa caruurteeda taasoo sahlaysa in bulshadaasi mudo gaaban ku dhaco diin gadoon iyo dhaqan gadoon,sidaa daraadeed waxaa la ogyahay markii dal ama mujtamac diintiisii iyo dhaqankiisii la gabadalo si fudud ayaa loo dhex gali karaa loona qabsan karaa waana taa mida loo socdo.
 wadan walba dad xanbaar san mabaadiidaas ayaa jira oo ay usoo wakiishadeen fulinteeda. waxaase haboon in nin iyo naag iyo caruur qofwalbaa helo xuquuqda uu rabbi siiyay oo dadku isku leeyahay. maha fikir qof inoo raadinaayo,waxa inagu haboon waa diinteena iyo dhaqankeena oo majiro wax ka fiican oo inoo badalaaya. wada mada reer galbeedka dhibka ka taagan waxaa jira dumar farabadan oo ka caagan raga waayo ragu waa cadaw ayay qabaan dumar unbay aamin sanyihiin waxaana ragbaa galiyay oo jar ka tuuray sidaas ayay ku gaboobaan kuna dhintaan rag la aanta ah!
Waa calaamooyinka shaydaanka in rag iyo dumar la kala geeyo!! dadka soomaaliyeed hayska jiraan diinta ah dumar lagu gabanaayo oo lagu burburinaayo sharafka aadamaha xasiloonida qoysnimo labo uu rabbi isu abuuray kala ganynteed. Diin xaq ah oo sax ah ayaynu haysanaaye soomaaliyeey ku qabsada goowsaha oo xajista.waxay ka fakareen meel jilicsan oo laga soo galo bulshada islaamka waxayna ka soo dhaceen dhanka dumarka ragbaana hawsha wada meelwalba maha dumarka. qolooyinkan dumarka xuquuqdooda iyo raga ayaa guumaysta wadaa,waxay gaarsiiyeen heer ah rag ka maarma oo idinku dhexdiina is guursada wadamada reer galbeedka sharci bay katahay oo waxaa loo aqoon san yahay qos jira.ninkii ka hadlana waxaa la leeyahay xuquuqdii dumarkaad ku gaftay oo gumayste ayaa tahay dumarkaad u diidaysaa xor iyo inay kula sinaadaan!! haweenkaa la kicinayaa si bulshada loo baa basho laakiin dhab ahaan xuquuqi loo haayo haween meesha mataal.
Soomaaliya maadaama dalkeenu burburay,oo dayacan yahay oo dawladii ilaalin jirtay meesha kabaxday,oo inagu iska duminay waxaa inaga faa ii daystay hay ado dumarka kicinaaya,oo lacag doolar ah ku bixiya in laga fuliyo soomaaliya falal aan hore uga dhici jirin,oo qor shaysan sida gabdho yar yar oo la fara xumeeyo,dumar la xoogo oo kadib la dila xataa,waxaas oo dhan waa shirqoolo ku socda soomaalidan huruda maha wax iska dhacay,waa qorshe rag kuu dagay iyo ku talo gal. haweenkii ayaa latusayaa oo laleeyahay fiiriya sida ragu idiin galaayo!! ma diidayno in ay jiraan rag xun oo danbiilayaal ah oo falxun sameeya laakiin kuwaasi ma badna wayna adagtahay in ay dhacdo,arinkani waa hawl weyn oo mashruuc ah oo dalkeena ku socota si dumarka iyo raga laysu nacsiiyo oo dumarkeenii iyo gabdhaheenii cadaw looynooga dhigaayo si aynu uburburo kadibna laynoo guumaysto.
Reer galbeedku waxay sheegteen in ay xuquuqda dumarka iyo dadkoo dhanba u doodayaan xiligaas iyo hadaba hayeeshee ogoow dadka madoow oo afrika laga soo daad gureeyay ayaa loo adoon sanaayay,si fool xun oo beeraha lagu falaayay isagoon raali ka ahayn arinkaas. wax udoodaa majirin ku darso xisaabta.labaq aqoon yahan oo jaamacadaha maraykan qaarkamid ah mudo dheer wax ka dhigaayay,ayaan way diiyay si kaftan ah,war waa sidee xuquuqdii dumar heer sare ayaad gaarsiiseen,ragii iyo dumarkiina waa simanyihiin waa tiraahdeen,shaqo kasta oo nin qabto dumarna xaqbay u leeyihiin in ay qabtaan ayaa tiraahdeen,kolkaa madaxa usareeya dawlada israail iyo maraykan waligeed naagi ma noqonee waa sidee,xagee xuquuqdii dumarka iyo sinaantii laga maray? Labdii oday halmar bay si aad ah ugu dhufteen qosol,waxayna igu yiraaheen,suaashaadu waxay katimid qalbiga oo mid daacad ah ee maha mid afka baarkiisa ah sidaa daraadeed ayaan kuugu jawaabaynaa daacadnimo. waxaya yiraahdeen waxaan u dhigaynaa suaashaadu aad nawaydiisay,sidii adigoo naleh maxaa maraykan iyo israail u ogolaan weydeen in laydin qabsado? markaas waan fahmay kuna qancay jawaabtaa dadban ee ay isiiyeen odayadu.markaa waxay indhaha kabuuxsadeen wajigayga iyagoo akhrinaaya dareenkayga iyo in aan siday tahay ufahmay jawaabtoodan,oon qancay,waxaan iri odayaal haylayaabina waxaan ahay nin uu wareeriyay durbaankaan women rights ee tumaysaane,kolkaasaa labadii oday ninba qosol dhan ula dhacay.
Waxaa xusid mudan,in ay jiraan dumar soomaaliyeed dalka iyo gaar ahaan dibada,oo guurkii kaxumaday,sababkastaaba hakeentee ay ragii qabay kala tageen,iyo qaar waxbarasho ku daahay oo yara waynaaday oo ay dhacday in ay guur wayday u qalma,kolkaa intanoo iskaashatay oo ay ku dhacday cuqdad xaga raga ah,ayaa waxaa ka faa iidaystay ururada abaabulan ee yiraahda xuquuq dumar ayaan u doodnaa kuwaas oo kutalaala ugu danbaynta nacayb weyn oo raga ah ilaa heer lagaar siiyo ragu waa gumayste ee halaga xoroobo iyo loomaba baahna rag!! gabdha han soomaaliyeed waxaa laga dhaadhiciyay in hooyooyinkood iyo ayeeyooyinkood la soo adoon san jiray. markaa meel fog ayaa lageeyay. wadamada xadaarada lihi way iska ilaaliyaan shirqoolkaan laakiin soomaaliya waxaynu nahay dad jilicsan oo dumarkeena si fudud loo badali karo oo waa dameeri dhaan raacday.

Waxaan ku gaba gabaynayaa in aduunka loo daayo nabada iyo xasiloonida lana dhawro diinta iyo dhaqanka tanaa aadamaha oo dhan uugu jirtaa dan. cid diidan majirto sinaan iyo istixgalin.sidaa ayaan u arkaa danteena gaar ahaan muslimka guud ahaan aadamaha. dadka soomaaliyeed diintooda iyo dhaqankooda qaaliga ah fiiro dheer ha u yeesheen hana ilaashadeen oo bulshadooda ha wacyigaliyeen waxa ka socda dunida jiilashooda danbana ha ureebeen diin sugan iyo dhaqan sugan oo soomaaliyeed taasaa dhaxal ah.

Yusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com