96 Tahriibayaal oo ay Soomaali ku jirtay oo laga soo badbaadiyey Xeebaha Giriiga

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Giriigga waxay soo badaabiyeen Muhaajiriin ay Dooni kula degtay meel ku dhow Galbeedka Jesiiradda yar ee Halki oo u dhow Jesiiradda Rhodes ee dalkaasi.

96 Muhaajiriin ayaa la soo badbaadiyey, balse lama oga tirada rasmiga ee Muhaajiriinta la socotay Doonidaasi ku degtay Bariga Badda Ajiyan (Aegean Sea).

Muhaajiriinta la soo badbaadiyey waxaa la sheegay inay badankooda ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Syria, Iraq iyo Qowmiyadda Kurdishka,  iyadoo dadkaasi la  soo badbaadiyey ka mid yihiin  10-carruur ah.

Dadka la badbaadiyey waxaa la sheegay inaysan badankooda wadanin Jaakadaha Badbaadada ee loo xirto marka lagu safrayo Doonyaha iyo Maraakiibta.

Dhinaca kale, Ciiddanka Giriigga waxay xireen 3 qof oo la sheegay inay Mukhalasiin ahaayeen, kuwaasi oo tahriibinayey Muhaajiriinta ay doonida la degtay.

Muhaajiriintaasi waxaa lagu sameeyey Baaritaanka COVID 19, iyadoo 72 ka mid ah  loo qaaday Jesiiradda Rgodes, halka 5 kalena la geeyey Jesiiradda Karapathios, iyadoo 19 kalena uu badbaadiyey Markab Xamuuul oo ay Ciiddanka Badda ee dalka Turkiga leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Ilaaladda Xeebaha Giriigga waxay ku eedeeyeen Ciiddanka Badda Turkiga inay arbusheen Hawlihii Gurmadka, waxayna  eedeyntaasi ku soo beegantay, iyadoo oo labada dal ku murunsan yihiin shidaalka laga sahminayo Bariga Badda Meditereniyanka.