Taliska AFRICOM oo si buuxda u sheegtay inay Duqeyn ku dileen shalay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ay Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM ka soo saareen Xaruntooda Dhexe ee ku taalla magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka waxay ku sheegteen inay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Duqeyn shalay ka dhacday meel ku dhow Degmadda Saakow ee Gobalka J/Dhexe.

Telefishinka CNN-ka iyo Wargeyska Military News oo helay War-saxaafadeedka AFRICOM waxay magaca Sarkaalka la dilay ku sheegeen C/qaadir Osman Yarow, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraalka waxaa kaloo lagu xusay inay Maraykanka iyo DFS iska kaashadeen Duqeyntii shalay ka dhacay duleedka Degmadda Saakow ee Gobalka J/Dhexe, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Afhayeenka AFRICOM oo wax laga weydiiyey Sarkaalka ay sheegteen inay Duqeyn ku dileen wuxuu ku sheegay inuusan xilligan awoodi Karin inuu bixiyo Faahfaahino kale oo dheeraad ah.