Madxweyne Farmaajo oo doonaaya inuu la kulo xildhibaanada Beelaha Hawiye.+Warbixin Xasaasi ah

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu codsaday Kulan uu la yeesho Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BFS ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Xildhibaanaddaasi Kulan ku yeelan doonaan Villa Somalia habeen dambe, si uu ugala tashado Shaqsiga loo magacabi doono Kursiga RW oo muddo hal bil ah haawanayey tan iyo bishii hore, kadib, markii RW Kheyre iyo Xukuumadiisa lagala laabtay Codka Kalsoonida.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa la sheegay inay Xildhibaanadda Beelaha Hawiye loo kala diray Fariin Qoraal, laguna wargeliyey Shirka uu Madaxweyne Farmaajo codsaday inuu Xildhibaanadaasi kula kulmo Villa Somalia, 8-da Fiidnimo ee habeen dambe.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaan weli magacaabin Ra’isul-wasaaraha oo ay Beelaha Hawiye ku heleen Awood-qeybsiga Dowladda Federalka ee haatan jirta.

Ma kala cadda in Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Xildhibaanadaasi lagu go’aamin doono RW cusub ee loo magacaabi doono Xilkaasi.

Siyaasiyiinta ayaa rumeysan in RW xilligan la magacaabo ay iska yar tahay Fursadaha ay isaga iyo Golihiisa Wasiiradda uu ula jaanqaadi karaan Siyaasadaha cakiran ee dalka iyo qabanqaabinta Doorashooyinka soo socda.