Waare oo gaaray Warsheekh “Shaqsiyaad ayaa hurinaya Colaadaha lagu dilo dadka Biri-ma-geydada”

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha DG Hirshabelle, waxa uu hadalkaasi ka sheegay Degmadda Warsheekh ee Gobalka Sh/Dhexe, halkaasi oo lagu dilay Oday Beeraley oo 92-jir ahaa.

Madaxweyne Waare waxa uu daah-furay Barnaamijka Dib-u-heshiisiinta Degmooyinka Warsheekh iyo Cadale oo la doonayo in lagu xaliyo colaada Beeleedyada ka dhaca dadka Walaalaha ee wada deggan Degmooyinkaasi iyo Tuullooyinka hoos taga.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo Nabadaynta Walaalaha, lana joojiyo Is-dilka aano Qabiil iyo inay Mas’uuliyiinta iyo Odayaasha Beelaha taabageliyaan xalinta Colaadaha iyo Khilaafyada kale.

Mar uu ka hadlayey falalka is-dilka qabiileed waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay jiraan Shaqsiyaad sii hurinayo Colaadda, wuxuuna ugu baaqay Mas’uuliyiinta inay gacan ka geystaan joojinta Colaadahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle, waxa uu ugu baaqay Haweenka inay raggooda ka celiyaan Dagaalka, cadaadisna saaraan kuwa qeybta ka ah dagaalladda ka dhaca Deegaanadaasi, si ay uga waantoobaan dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Maleeshiyo beeleedyo Deegaanka ayaa waxaa mararka qaarkooda dhex mara Colaado lagu dilo dadka rayidka, iyadoo falkii ugu dambeeyey dhowr maalmood ka hor lagu dilay Oday Beeraley ah oo lagu magacaabi jirey Allaha U Naxariistee Nuur Macow Sireey oo 92-jir, kaasi oo lagu dhex dilay Beertiisa.