Madasha Xisbiyadda Qaran oo ku baaqay in la shaaciyo xilliga ay dhacayso Doorashadda.

Madax ka tirsan Madasha Xisbiyadda Qaran (MXQ) iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa waxay shalay yeesheen Kulan muhiim ah oo ay kaga arrinsadeen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Somalia, Arrimaha Doorashooyinka iyo Nuxurka Qoddobadii laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3 ee Jimcihii hore la so gebagebeeyey.

Hoggaamiyayaasha MXQ ee la kulmay Saaxiibadda Beesha Calaamka waxay saluug iyo walaac xooggan ka muujiyey Qoddobadda laga soo saaray Shirkii Dhuusamareeb 3 ee ku aadanaa Nidaamka Doorashooyinka soo socda.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Shekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay Kulankii maanta ka dhacay Xarunta Xalane waxay ku taliyeen in la qabto Shirweyne Sal-ballaaran, kana wada qeyb galaan Saamileyda Siyaasadda ee dalka, si uu Heshiiskii Dhuusamareeb 3 u noqdo mid dhamaystiran.

Kulanka Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Beesha Caalamka waxaa kaloo la isku raacay in Heshiiska DHM3 lagu muujiyo Xilliga rasmiga ee ay dhici doonaan Doorashooyinka soo socoda.

Dhinaca kale, Madasha Xisbiyadda Qaran waxay Beesha Caalamka la wadaageen walaaca ku aadan Khilaafka gaamuray ee Guddoonka Labada Gole ee BFS, waxayna labada dhinac isla garteen in Xal waafi ah loo helo Khilaafka iyo inay Labada Gole ee BFS si wadajir ah u ansixiyaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3.