Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Kulan la yeeshay Safiirka Taiwan u Jooga Hargeysa

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax Oo Ay Weheliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Iyo Xildhibaano Kale Ayaa Kulan La Qaatey Safiir Ku Xigeenka Wadanka Taiwan U Fadhiya Somaliland Mr Nabil Chen-Chi Wu .
Kulanka Oo Saacado Badan Qaatey Waxa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Uu Safiir Ku Xigeenka Wadanka Taiwan Mr Wu U Sharaxay Horumarka Somaliland Ka Hano Qaadey Sodonkii Sano Ee U Danbeeyey isla markaana uga xog waramay sida dalka Taiwan ay uga go’an tahay inay u xoojiyaan xidhiidhka ay Somaliland la sameeyeen , sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska warbaahinta ee Golaha.
Sidoo kale waxa uu safiirku Sheegay Inuu Si Weyn Ula Dhacsan Yahay Horumarka ,Nabada Iyo Dimuqraadiyada Qaan Gaadhka Ah Ee Somaliland .