Dr Abuu ”Wadankii ayaan dib ugu soo laabtay si aan u hormariyo aqoonta Beeraha iyo wax soo saarka…”

Dottor Cabdulqadir Nuur Abbow oo loo yaqaano Dr Abuu oo aan qadka telefanka Ku wareysanay isagoo joogo magaalada Baydhabo, ayaa Waxaa uu nooga warbixiyey sababta Ku kaliftay inuu ku soo laabtay wadankiisii hooyo isagoo degenaa dhow iyo labaatan sanadood wadanka Ameerika.

Ikraam Cali Kaar oo wareysaneysay ayaa Waxaa uu Dr Abuu uu sheegay sababta uu usoo laabtay wadankiisa iney tahay in loo baahan yahay aqoonyahanadii wadankaan wax u soo bartay in ay wax ka qabtaan oo ay wax ka dhisaan si looga baxo dhibaatooyinka jira sida dhanka beeraha oo loo baahan yahay in ay Ku soo laabtaan mashaariicdii jirijirtay waagii hore sida mashruucii Bay Project iyo mashruucii fidinta beeraha.

wareysigaan oo aad u Xiiso badan Waxaa ka dhageysan kartaa halkan.