Qoor Qoor oo wacad ku maray in Al-Shabaab laga saari doono Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dhuusamareeb:-Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Mirihii ka soo Baxay Shirkii Dhuusamareeb Saddax ayaa xalay lagu qabtay Fagaaraha Shiirkole ee Magaalada Dhuusamareeb.

Xafladaan waxaa soo agaasimay maamulka Caasimadda, iyadoona ayna ka soo qeybgaleen Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Goddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Nuur Gacal, Xubno ka tirsan goleyaasha Xukuumadda iyo Barlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaaban doono dagaal Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay qeyb ka qaataan howlgalka Al-Shabaab, islamarkaana ay taageero u muujiyaan ciidamada dagaalka la galaya Al-Shabaab.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug ayaa shalay tababar u soo xiray ciidamo looga tala galay in ay Al-Shabaab ka saaraan qaar ka mid ah degmooyinka gobolada Galgaduud iyo Mudug.