QM oo walwal ka muujisay Kiisaska cudurka Covid-19 ee Soomaaliya laga helay.

Qaramada Midoobay ayaa muujisay walwal ay ka qabto kiisaska Cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, oo lagu helay xaalado cusub baaristii ugu dambeeyay, waxaana sidaas kusii kordhay diiwaangelinta maalinlaha inta lagu guda jiro Agoosto.

Xafiiska Isu dawidda Arrimaha Bani aadamnimada Qaramada Midoobay ee (OCHA) ayaa walaac ka muujiyay warbixinnadii ugu dambeeyay ee la diiwaangeliyay Isniinta oo shalay ahayd, dadaalka Dowladda iyo sida degmooyinka qaar wali cudurka uu dadka jirkooda ku jiro.

“Gudaha Jubbaland (Gobolka Koofureed), ma yaalaan qalab dadka ku filan, sida Hawo siiye iyo qalabka qofka siiya Neefta loo yaqaan Oxygen, Shaybaarka lagu baaro dadka iyo xarumaha dadka lagu karaantiilo ee Shaybaarka oo aan laga helin Degmooyinka go’aanka ku jira ee Ceelwaaq iyo Dhoobley” ayaa lagu yiri Warka Qaramada Midoobay.

Somaliland ayay Hay’addu sheegtay in 200 oo kamid ah 833 iskuul ay u baahan yihiin taageero si ay wax uga qabtaan faafitaanka Cudurka Covid-19, maadaama ay adag tahay raacista habraaca iyo tallaabooyinka lagu xakameynayo in uu gaaro dadka ka caafimaad qaba.

Halista dadka cudurka haleelay iyo u gudbinta shaqsiyaadka badqabkooda caafimaad uu wanaagsan yahay waa walwalka ugu weyn ee Somaliland dadka kunool ka muujinayaan Coronavirus.

Xafsiiska isu dabaridka Arrimaha Bani aadamnimo u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa xusay in Shacabka Puntland ay walwal ka muujinayaan kiisaska cusub ee laga diiwaangeliyay Deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland.

OCHA ayaa soo jeedisay in wax laga badalo sida ay wax u socdaan, maadaama Puntland laga diiwaangeliyay in ka badan 400-ruux, halka ay dhinteen dad la diiwaangeliyay, waxaana ka badan shaqsiyaadka dhintay iyaga oo aan Baaris lagu sameyn ama lagu arkin calaamadaha cudurka.

Taasi waxa ay beertay in dad ku dhintay Deegaannada Puntland lagu tuhmayo in ay sababsadeen fayruska Corona oo haleelay, balse ma diiwaangashano, badankood, maadaama baarista kahor ay dhinteen.

Xigasho: Xinhua