Nabadoon caan ah oo lagu dilay Daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dilay nin nabadoon ahaa oo ka tirsanaa bulshada ku nool degmadaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Shiikh Cali Maxamed Cismaan, waxuuna dilkaaas ka dhacay goob uu isaga lahaa, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay.

Waxaana muddo yar kadib la sheegay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas halkaas baaritaano ka wada.