Maxay ka wada hadleen Madxweynihii hore Xasan Shiikh iyo Fahad Yaasiin?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo taliyaha Nabad sugida Somalia Fahad Yaasiin ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay arimaha doorashooyinka iyo xaalada siyaasadeed ee xiligan uu dalka marayo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu taliyaha ugu baaqay inaan ciidanka nabad sugida ku lug yeelan siyaasada dalka, oo ay xooga saaraan Ammaanka.

Dhanka kale Cabdulaahi Maxamed Axmed Sanbaloosh oo ahaa taliyihii hore ee nabad sugida Somalia ayaa xaqiijiyay jiritaanka in kulanka madaxweyne Xasan Shiikh iyo taliyaha Nabad sugida Soomaaliya.