Dowladda Kenya oo dib u bilowday Dhismaha Derbiga ay ka dhisaysay Xadka ay la wadaagto Somalia.

Laba sanno kadib, waxay Dowladda Kenya dib u bilowday Dhismaha Derbigaasi oo ku teedsan dhulka Xuduudka ee 700-Km ee ay la leeyihiin dalkeena.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Ciiddanka dalkaasi bilaabeen dib-u-dhiska, iyagoo doonaya inay Fiilooyin danabaysan iyo Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV ku xiraan, si ay ula socdaan Dhaqdhaqaaqa ka jira Xayndaabka dhulka Xuduudka ee ay Kenya la wadaagto Somalia.

Mashruuca ay Kenya dib ugu dhisayso Xayndaabkaasi waxaa horey looga dhisay wax ka yar 30-KM, waxaana Mashruucaasi hareeyey Musuq iyo Shaqaalihii dhisayey oo mushaar la’aan darted u joojiyey shaqadii socotay.

Tan iyo sanadkii 2015-kii, waxaa laga soo horjeeday Dhismahaasi, iyadoo Dowladda Kenya joojisay Mashruucaasi bishii Maarso ee sanadkii 2018-kii, kadib, Xiisad ka dhalatay Dhismahaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Mandheera, Cali Roobow waxa uu Xilligaasi sheegay in Go’aanka lagu joojiyey Dhismahaasi la qaatay, kadib, markii ay Guddiyo ka kala socday Kenya iyo Somalia yeesheen Kulan Wada-tashi ahaa.

Warbixin ay Barlamaanka Kenya horey u soo saareen waxay ku sheegeen in dhismaha wax ka yar 30-KM ee Mashruucaasi horey loogu kharaj gareeyey lacag dhan 3.4 Billion oo Shillinka Kenya.